Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn Xoogan oo ka dhacday Saldhig Al Shabaab dhaliyaro ku tababarayeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudug (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn xalay markale diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay ka geysteen deegaan hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Duqeynta ayaa lala eegtay saldhig Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Goodirley oo 10 Km dhanka Koofureed kaga beegan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Si rasmi ah ilaa iyo hadda looma oga khasaaraha ka dhashay duqeynta, laakiin waxaa soo baxaya in dhimasho iyo dhaawac ay sababtay duqeynta markii labaad xalay ka dhacday duleedka degmada Xarardheere.

Masuuliyiinta maamulka Galmudug ayaa sheegay in duqeynta ay haleeshay saldhig Al Shabaab ay ciidamada ku tababaraan, waxaana ay xaqiijiteen inay khasaaraha dib ka shaacin doonaan.

19 Bishaan ayay aheyd markii diyaarado dagaal ay duqeymo xooggan ay la beegsadeen deegaanada xalay la duqeeyay, waxaana taliska Mareykanka uu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay in ka badan 40 Al Shabaab ka tirsan.

Dhawaanahaan waxaa soo kordhaayay duqeymaha diyaaradaha ay ka geystaan degaanada ay gacanta ku haayaan Shabaab iyadoo dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in duqeyn lagu burburiyay Idaacad afka shabaab ku hadli jirtey.

Taliska Mareykanka ee Africa ayaa dhawaan guulo ka sheegtay duqeymo ka dhacay gobolka Mudug oo lala eegtay Al Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this