Deeq A. Posted November 28, 2018 Uk:Haweenay Somaliyada oo Saygeedu ku dilay Toorey aasiya Xirsi Dad daris la ahaa haweeney uu seygeeda toori la dhacay ayaa ku mashquulay iney abtigeed ugu yeeraan, intii ay wici lahaayeen taleefanka booliska ee 999, xilli ay dhaawaca soo gaaray u sii dhimaneysay. Aasiya Xirsi oo 27 sano jir ah ayaa u geeriyootay toorri uu la dhacay seygeeda ka dib markii ay isku dayday iney iska furto, maadaama uu muddo dheer tacaddi ku soo hayay. Markii ay dadka dariska la ah maqleen qeylada Marwo Aasiya Xirsi waxay waceen abtideed, “maadaama ay isaga yaqaanneen”, sidaas waxaa yiri walaalkeed Shuceyb. Booliska ayaa sheegay in arrimaha la xiriira bulshooyinka iyo diimaha ay hor istaagi karaan iney dadka si dhaqso ah isugu soo gurmadaan. Aasiya oo u dhalatay Soomaaliya ayaa waxaa weerar ku qaaday Aadan Daahir, oo ah aabaha dhalay labadeeda carruurta ah, xilli ay ku sugnaayeen gurigooda oo ku yaalla xaafadda St Paul’s ee magaalada Bristol, sannadkii 2017-kii. Aadan waxaa lagu xukumay xabsi dhan 16 sano, ka dib markii lagu helay dambiga la xiriira dilka xaaskiisa. ‘Dib u dhac’ Dhowr jeer oo hore ayey xubno ka tirsan qoyskeeda u sheegtay in seygeeda uu weeraro u geystay toorina ku dhuftay. Amaal Cabdi waxay ahayd xaamilo canugii labaad markii uu dilayay ninkeeda Shuceyb Xirsi ayaa sheegay inuu aad u jeclaan lahaa in qoyskiisu ay booliska mar horeba ku war galiyaan arrinta, balse ay iyaga uun ku ekeyd isla markaana ka dib dhaceen iney laamaha ammaanka gaarsiiyaan. “ilaa saddex jeer ayey isku dayday iney ka tagto, laakiin mar kasta oo ay qoyskeeda caro ku tagtay dib ayaa loo soo guryo celin jiray” ayuu yiri. “Qalalaasaha ka dhex jira qoysaska waa mid aad halis u ah mana aha in la qariyo iyadoo haweenka ay rafaad marayaan” ayuu yiri. Natasha Rattu, oo ka tirsan hay’adda samafalka ee Karma Nirvana ayaa sheegtay in dadka dhibaatooyinka qoyska la kulma ay ilaa 2 sano iyo bar iska aamusnaadaan, ka hor inta aysan caawinaad raadsan. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites