Deeq A. Posted November 28, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa xalay kormeer ku sameeyey Waddooyinka maamulka Gobolka Banaadir uu ka wado Howlaha Nadafadeed,isagoo qaybo ka mid ah Magaaladda kulamo xog wareysi ah kula soo qaatay Qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda, si uu u qiimeeyo isla markaana in dhahiisa ugu arko sida ay u socdaan howlaha dar dar galinta bilicda iyo nadafadda Caasimadda. Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre kormeerkaan uu ku tagey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka baandir ayaa yimid ka dib markii maamulka gobolka Banaadir uu tubta arrimaha bulshadda ku soo bandhigeen in ay socdaan howlo lagu xoojinayo Nadaafadda iyo bilicda caasimadda oo dowladda Soomaaliya ahmiyad weyn siinayso si loo helo Caasimad bilic iyo amni leh. Wasiirku xigeenka wasaaadda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiis ee xukumadd Adan ISaaq Cali oo warbaahinta qaran la hadlay ayaan xusay in dowladda muhiimada weyn siinayso Bilicda caasimada isla markaana maamulka Gobolka banaadir uu hada bilaabey howl ballaran oo lagu suurta galinayo. Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre oo kormeerkiisa ku guda jira ayaa kulamo is xogwareysi iyo kala warqaadasho ah waxa uu la qaatay dadkii ku caweynayey waddooyinka maagaladda , kuwaasi oo isugujira dhalinyaro,ganacsato iyo dadka degan. Dadkiii uu kula kulmay waddooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federalka Soomaaliya waydiinayey Su’aalo ka turjumayey dowladnimada iyo dal jaceylka,kuwaasi oo uu si Caadi ah kuna bogaadiyey in mar kasta ay noqdaan kuwa ku tagan ilaalinta dowladnimada , taa oo horseedaysa in ay helaan mustaqbal wanaagsan ee ay kula tartamaan dadka asaagooda ah. The post Khayre Oo xalay kormeeray qeybo ka mid ah Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites