Deeq A. Posted November 28, 2018 Xarardheere ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa ku warramaya in Xalay Diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxa ay ka dhacday inta u dhexeysa deegaanka Caad iyo degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Wararka ayaa sheegaya in deegaanada la duqeeyay ay fariisimo ku leeyihiin Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaasi, lamana oga Diyaaradaha dagaal ee fuliyay. Dhawaan ayey aheyd markii Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeyn dhinaca cirka ah ay ka fuyliyeen qeybo ka mid ah gobolka Mudug. The post Diyaarado dagaal Oo duqeyn ka fuliyay gobolka Mudug appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites