Deeq A. Posted November 28, 2018 (SLT-Senegal)-Madaxweynaha dalka Senegal, Mcky sall waxaa uu sheegay inay doonayaan in dhamaan farshaxanada laga qaaday dalkiisa iyo dalalka kale ee Afrika ee iminka yaala madxafka Fransiiska dib loogu soo celiyo qaaradda Afrika. Madaxweyne Macky Sall ayaa sidoo kale sheegay in arrintan uu ku wargeliyay dhigiisa Fransiiska, Emmanuel Marcon, waxaana uu yiri waxana dooneynaa in farshaxanada gaaraya tobanaanka kun ee la qaatay xiligii gumeystaha dib loogu soo celiyo dalalka Afrika. Wasiira dhaqanka ee dalka Senegal, Abdou Latif Coulibaly waxaa isna sheegay in durbaba dowladda Fransiiska ay weydiisteen inkabadan boqol farshaxan. Madxaf cusub oo lagu keydinayo ilbaxnimada iyo dhaqanka dadka madow ayaa lagu wada in laga furo dalka Senegal, kadib markii dowladda Shiinaha ay ku maalgelisay lacag dhan labaatan milyan oo doolar. Dowladda Benin ayaa horay iyadu na u dalbatay in lasoo celiyo dhamaan farshaxanadii laga qaatay dalkaasi xiligii gumeysiga. Arrinka ayaa sidoo kale imaaneysa iyaduu inta badan madxafyada Yurub ay oggolaadeen inay farshaxana badan ay dib ugu celiyaan dalka Nigeria. Dadka qaar ayaa arrinta u arka mid u wanaagsan sumacadda dalalka Yurub oo inta badan guumeystay qaaradda Afrika. Ousmane Aledji oo ah agaasimaha xarunta dhaqanka ee dalka Benin ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay qaabkan cusub ee la isku weedaarsanayo waxyaabaha dhaqanka iyo taariikhiga ah. Arrintan ayaa waxay sidoo kale imaaneysaa, kadib markii koox khubara ah ay madaxweynaha Fransiiska u gudbiyeen warbixin ka hadleysa qaabka loo celin karo farshana gaaraya tobanaanka kun ee yaala dalka Fransiiska, kuwaa oo intooda badan la qaatay xiligii gumeysiga. Hasayeshee madaxweyne Macroon ayaa ballan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo celin doono farshaxanadaasi. Source Share this post Link to post Share on other sites