Deeq A. Posted November 28, 2018 (SLT-Nairobi)-Siyaasyiinta dalka Kenya ayaa ku qasban inay meelmariyaan hindise sharciyeed ogolaanaya in dumarka baarlaamanka ku jira ay noqdaan saddex melood labo haddii aan sidaas layeelinna uu dalku halis ugu jiro in uu galo qalalaase dastuur, sida ay ku hanjabeen xildhibaannada taageersan biilkaas. Inkastoo dastuurkii Kenya ee la ansixiyay sannadkii 2010kii uu dhigayo in jinsi qudh ah uusan noqon karin saddex meeloodoow labo ka mid ah wax kaste oo xubnaheeda la soo doorto ama la magacaabo, dumarka ayaa 22 xubnood hadda ku leh Aqalka Hoose ee baarlamaanka halka Aqalka sarana ay ku leeyihiin 31 xubnood. Tan iyo sannadkii 2012 Maxkammadaha dalka Kenya ayaa ku amray baarlamaanka inay meelmariyaan hindise sharciyeedka jinsiyadda ama barlamaanku uu halis u gali doono in la kala diro. Dadaalada lagu meel marinayo sharcigan ayaana miro dhali waayay. Hadii barlamaanka la kala diro, waxaa lagu qasbanyahay in doorasho guud la qabto iyadoo dalka Kenya sannadkii aynu soo dhaafnay ay ka dhacday doorashooyiin rabshado ay harereeyeen. Maanta oo Arbaco ah ayaa la filaya in baarlamaanka uu cod u qaado hindise sharciyeedka jinsiyadda, waxaana tallaabadan si dhaw ula socda shacabka Kenya oo ku rajo weyn in arrintan muranka badan dhalisay lasoo afjaro. Maxkammada sare ayaa sannadkii 2017-kii sheegtay in Gudoomiyaha Maxkamadda sare laga codsan karo in uu Madaxweynaha kula taliyo in barlamaanka la kala diro hadii sharcigan la aansixin waayo. Qoondada dumarka ku jira barlamaanka Kenya ayaa aad u hoosaysa marka la barbardhigo dalalka ku yaala bariga Afrika sidda Ethiopia. Sudan, Burundi iyo Rwanda sida ku cad ururka ay ku mideeysanyihiin barlamaanada caalamka. Hindisahan waxaa taageero u muujiyay Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga halka tiro badan oo ka mid ah xilidhibaannadana ay cadeyeen in ay garab istaagi doonaan. Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionMadaxweyne Uhuru Kenyatta oo khudbad u jeedinaya baarlamaanka Balse hindisahan ayaa sidoo kale wajahaya iska caabin adag oo waxaa laga cabsi qabaa in lagu guuldareysto sababo la xiriira in loo waayo taageeradii loo baahnaa. “way adagtahay in taageero loo helo laakin waxaa gacan nagu siiyay hogaamiyeyaasha xisbiyadda sidda Madaxweynaha iyo hogaamiyaha mucaaradka oo dhamaantood la hadlay xildhibaannadooda si ay ugu sheegan halista dalka uu wajihi karo hadii la ansixin waayo qoondada haweenka,” ayay tiri Safiya Cabdi Nuur oo ah xildhibaanad laga soo doorto deegaanka Ijaara oo BBC-da la hadashay. Safiya ayaa sidoo kale sheegtay in ragga baarlamaanka ku jira ee ka soo horjeeda hindisahan ay ku doodayaan in dumarka ay helayaan kuraas aysan u tartamin waxaa kale oo ay sheegeen in hogaamiyeyasha xisbiyadda ay fursadan u adeegsan karaan inay ku soo magacaabaan qaraabadooda iyaga oo ka duulaya qoondada haweenka. Haddii hindisahan la meel mariyo wuxuu dhaqan geli doonaa doorashadda soo socota, waxayna ku qasbi doonta canshuur bixiyeyaasha in ay dhiibaan mushaharaadka iyo gunooyiinka xubnaha cusub ee baarlamaanka. Source Share this post Link to post Share on other sites