Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo markii ugu horraysay booqanaya degmada Dhahar

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland,Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqanaya magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland.

Socdaalka madaxweynaha ayaa ku qotoma u kuur-galka nolosha bulshada ku dhaqan degmada Dhahar,waxaana uu halkaasi ka daah-furayaa mashaariic kala duwan oo dhanka horumarinta ah,sida xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada.

Socdaalka mudane Gaas ayaa noqonaya markii u horraysay ee madaxweyne Puntland uu booqdo degmada Dhahar ee xarunta gobolka Hayland oo kamid ah degaannada ay wada-sheegtaan Puntland iyo Somaliland.

Dhinaca kale socdaalka ayaa ku soo aaday xilli madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu booqasho ku joogo magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag,isagoo kulamo halkaasi kula yeelanaya qeybaha kala duwan ee bulshada.

PUNTPAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo markii ugu horraysay booqanaya degmada Dhahar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this