Sign in to follow this  
Deeq A.

Digniino loo diray shirkadaha degan dhulka ciidanka cirka DFS

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Gudiga khayraadka qaranka, kaabayaasha dhaqaaalaha iyo gaadiidka ee Aqalka Sare ayaa maanta kulan la yeeshay Taliyaha Guud ee ciidamada cirka Soomaaliya Sareeyo Guuto Maxamuud Sheekh Cali.

Kulanka ayaa wuxuu ku saab-sanaa cabashooyin uu talisku usoo gudbiyay Gollaha oo ku aadan dhul uu ciidanka cirka leeyahay oo ay ka haystaan shirkado gaar loo leeyahay oo isugu jira Soomaaliya iyo Shisheeye.

Marka uu soo dhamaaday shir, Senator Ilyaas Cali Xasan, oo ah gudoomiyaha Guddiga ayaa wuxuu warbaahinta la wadaagay qodobadda ay isla afgarteen Taliye Cali, iyo sida muhiim ay u tahay in loo dhaqan-geliyo.

Dhinaciisa, taliyaha ciidamada cirka Soomaaliya, Sareeyo Guuto Maxamuud Sheekh Cali, ayaa wuxuu cod dheer ku sheegay in aysan jirin cid sii haysan karta dhulka ciidanka cirka iyo kuwa danta guud.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Soofeysane.mp3

The post Digniino loo diray shirkadaha degan dhulka ciidanka cirka DFS appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this