Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga difaaca BFS Oo kulan ku qabtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho guddiga difaaca Golaha Shacabka ee BFS, Wasiirka Gaashaandhigga, wasiir ku xigeenka Maaliyadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa looga hadlay sharciga Xaqsiinta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sharcigan ayaa waxaa dib u habeyn ku sameeyay guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya, si ay dhammaan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed u helaan xuquuqda ay ku leeyihiin dalka, marka ay noqdaan howlgab.

Ugu horreyn waxaa kulanka ka hadlay wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Maxamed Cali (Amar Dambe) oo sheegay in sharcigan uu muhiim u yahay dhismaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Dhankiisa wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda C/laahi Sheekh Cali (Qaloocow) ayaa carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in muhiimad gaar ahkoowaad la siiyo CiidankaXoogga Dalka, si loogu garab istaago howlaha ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Xukuumadda Soomaaliya ay diyaar u tahay in dhaqaale weliba oo ku baxayo Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn xoghayaha guddiga difaaca Golaha Shacabka Sadiiq Warfaa oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa sheegay in loo baahan yahay in labada Aqal ee BFS ay meel mariyan Sharcigan, si loo helo Ciidamo tayo leh oo ay yeelato Soomaaliya.

The post Guddiga difaaca BFS Oo kulan ku qabtay Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this