Deeq A. Posted November 27, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa goor dhow Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda ku dilay Carwadii hore Taleex degmada Hodan ee g/Banaadir. Marxuumka la dilay aya lagu magacaabi jiray C/maalik Sheekh Maxamed, waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Raggii ka dambeeyay dilka Askarigaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen dilka kadib. Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaan ka wada halkaasi. Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay weerarada ka dhanka ah Ciidamada Ciidamada dowladda ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho. The post Askari ka tirsanaa Ciidanka DFS Oo lagu dilay Hodan appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites