Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Siyaasiinta xanaaqsan

Recommended Posts

Madaxweynaha is mocking them now. Mucaarad ku sheegii heer waxee marayaan xataa dhaqaalaha yar dowladda hesho in laga gooyo, gaar ahaan kuwa Bankiga Adduunka iyo Hay'adda Lacagta Adduunka laga helo. Meelihii kale dacaayad raqiiska ah wey ku fashilmeen bilooyinkii u dambeeye markaas ayeeba bogus financial committee baarlamaanka ka jiro magaciisa ku qaraabanayaan, which failed again.

Wasiir Beyle been beentaan xil kuma weynaayo, so try harder siyaasiinta pro-isbaarada ah, sida Axmed Fiqi iyo Odowaa. Haddee daacad ka tahay ha iska xaadariyiinta deeganadee sheegtaan inay xildhibaano u yihiin ee Dhuusamareeb iyo Cadaado ee ilma adeeradooda isku heysto. Kama hadli karaan, waxna kama qaban karaan because they are failed politicians meesha qash qashaad kaliya u joogo and whoever leads the country jalaafo u dhigo. Filinkaan Soomaalida wey la fahantay.

__________________________

Farmaajo: “Waali ayuu ku dhow yahay XANAAQA siyaasiyiinta mucaaradka"

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaaa mar kale weerar culus ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladiisa ee uu ku sheegay siyaasiyiinta xanaaqsan, isagoo xalay magaalada Nairobi kula hadlay qaar ka mida jaaliyadda Soomaalida.

Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ayaa inteeda badan ahayd difaaca isbaheysiga uu la galay dalalka Itoobiya iyo Eritrea iyo weerar uu ku halgaaday siyaasiyiinta kasoo horjeeda ee ay ka mid yihiin xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka.

Wuxuu sheegay inay siyasiyiinta xanaaqsay ay muddo wadeen Borobogaando siyaasadeed oo ku saabsan amniga dalka iyo inuu sii xumaaday, markii sida uu yiri ay taasi ku guul darreysten ayay u wareegeen arrin kale oo ku saabsan dhaqaalaha, isagoo tilmaamay Warbixintii Guddiga Maaliyadda, laakiin wuxuu ku faanay inay iyadiina soo afjareen.

“Siyaasiyiinta careysan waxaan u sheegeynaa waqtigiina waa dhamamaday. Ayaamo hore waxay wadeen inay yiraahdaan, 'Dowladda amniga waa ku fashilantay, waa shaqeyn weyday.' Hadda waxay yiraahdeen: 'Nidaamkii Maaliyadda waa fashilmay."

"Dad badan oo shisheeya sida IMF iyo World Bank ayaa noo qiray inaan nahay dowlad nadiif ah. Waxay bilaabeen inay dhaqaale na siiyaan, iyaguna waxay leeyihiin, 'Maya, waa inaan dhaqaale la siin.' Kuwaasi dadka shakiga gelinaya yey u daneynayaan? Wax kale ma'aha xanaaqii ayaa ka batay, qofku hadduu xanaaqu ka bato wuxuu u dhow yahay nooc waalli ah," ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa caddeeyay inay dowladiisa soo xirtay kanaalo ay siyaasiyiinta mucaaradka ah ka heli jireen biyaha oo dalal dibadda ah ay ku xirnaayeen, ayna sii xoojinayaan xiriirka ay la leeyihiin dowladaha dibadda iyo kuwa deriska ah.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

The great thing is that they are battling fairly without bullets flying. It is a huge progress for the country. We need more of this.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.