Deeq A. Posted November 27, 2018 Maxaas ( Sh. M. Network )-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu yimid, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo howlgallo ka waday deegaanka Oronto ay weerar kala kulmeen Al Shabaab. Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo lala eegtay Ciidamadaasi, kadibna waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo dhexmaray labada dhinac. Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, iyadoona weli xaaladdu ay tahay mid kacsan. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay gaareen deegaano la rumeysan yahay in ay ku sugan yihiin Al Shabaab. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi. Muddooyinkii dambe Ciidamada dowladda ayaa howlgallo waddo furis ah ka waday gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. The post Dagaal xoogan Oo ka dhacay gobolka Hiiraan appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites