Deeq A. Posted November 27, 2018 Afgooye ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in barqanimadii maanta kooxo hubeysan dil ay ka geysteen xaafadda Nakaruuma degmada Afgooye ee gobolkaasi. Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay Marxuum Cumar Mahad Cabdulle oo maamule ka ahaa Iskuulka Daarul Amal oo ku yaalla degmadaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in Marxuumka lagala soo baxay Iskuulka, kadib lagu dilay meel banaankiis ah. Sidoo kale wararkaasi ayaa intaasi in Raggii ka dambeeyay dilkaasi oo ku hubeysnaa Bastoolado ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo howlgallo ka sameeyey halkaasi. Illaa iyo hadana ma jiro wax hadan oo uu maamulka degmada Afgooye ka bixiyay dilkaasi. Waa dilkii labaad oo muddo 24 saac gudahood loo geysto Maamuleyaal Iskuul, iyadoona xalay degmada Yaaqshiid ee gobolkan Banaadir lagu dilay Marxuum Xuseen Maxamed Xuseen oo maamule ka ahaa Iskuul ku yaalla gudaha degmadaasi. The post Kooxo hubeysan Oo maamule Iskuul ku dishay Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites