Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Waare Oo kulamo ka wada magaalada Baladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Baladweyne ( Sh. M. Network )-Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha HirShabelle ayaa kulamo gooni gooni ah ka wada magaalada Baladweyne ee xarunta G/ Hiiraan.

Kulamadan ayaa waxaa diirada lagu saaray amniga deegaanada HirShabelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Ilo ku dhow kulamadaasi ayaa Shabelle u sheegay in Madaxweyne Waare Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubuuti uu kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweynaha HirShabelle uu booqan doono deegaano iyo degmooyin kale oo ku yaalla gobolkaasi.

Shalay ayey aheyd markii  Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Wafdi uu hoggaaminayo ay gaareen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

The post Madaxweyne Waare Oo kulamo ka wada magaalada Baladweyne appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this