Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Oo Ka Hadlay Soo Dhaweyn Ballaadhan Oo Maanta Hargeysa Loogu Sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha shirkadda isgaadhsiinta Telesom Cabdikariin Maxamed Iid ayaa waxaa maanta madaarka diyaaradaha ee Hargeysa loogu sameeyey soo dhaweyn ballaadhan.

Guddoomiyaha Telesom ayaa dib ugu soo laabtey safar uu dhawaan ku tagay dalka South Africa halkaas oo lagu soo guddoonsiiyey abaal marin caalami ah oo uu ku guulleystay.

Guddoomiyaha waxaa madaarka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan golleyaasha qaranka Somaliland ee Wakiiladda, Guurtidda, Culimo-awdiin, madax-dhaqameed, hoggaamiyaasha xisbiyada qaranka Somaliland ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, maayarka magaaladda Hargeysa, xubno ka mid ah saamilayda iyo shaqaalaha shirkadda, ganacsato kala duwan iyo marti-sharaf kala oo tiro badan.

Halkan hoose ka DAAWO

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this