Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere oo War kasoo saaray Weerarkii Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud (Cali Dheere) ayaa ka hadlay weerar qaraxyo ku bilowday oo saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasoo lagu beegsaday xarunta Wadaad lagu magacaabi jiray C/weli Sheekh Cilmi Yare.

Sheekh Cali Dheere oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegay in ciidamada Al-shabaab ka takhaluseen nin uu sheegay inuu gaaloobay oo u gefay Nebi Muxamed, isla markaana ay tallaabo ka qaadeen oo umadda muslimiinta ay dhaafiyeen sida uu yiri.

Sheekh Cali Dheere ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in reer Gaalkacyo dhexdooda lagu aflagaadeeyo Rasuulka SCW, wuxuuna uga baaqay dadka magaaladaasi inaysan mar kale dhicin arrintaasi oo kale.

Al-shabaab ayaa saaka weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday xerada Wadaadka, iyadoo markii danbe ay weerar ku galeen xerada maleeshiyo muddo saacad ka badan ku dhex dagaalameysay xerada, iyadoo lagu dilay Wadaadka iyo 20 qof oo kale dad ku dhow.

Halkaan hoose ka Dhageyso:

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Sh.Cali-Dhere-Galkacyo.lite_.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this