Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka sare oo sheegay in ay soo Afjareeyn qilaafkii dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay goordhow oo maanta ah in ay soo afjareen qilaafkii u dhaxeeyay Dowlada Dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Xubnaha aqalka sare ee dalka ayaa guddiga u magacaabay xalinta qilaafkaasi waxaana gudoomiye looga dhigay Cabdiraxmaan Faroole Madaxweynihii hore ee Puntland.

Faroole oo la hadlay wariyaasha goordhow isaga oo dhinaciisa uu taaganyahay gudoomiyaha Aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxa uu ku dhawaaqay in la xiliyay qilaafkaasi.

Waxa uu sheegay in dhowaad Muqdisho ay imaanayaan madaxda maamul goboleedyada dalka si loo dhameeystiro heshiiskaasi.

Khilaaf ayaa baryihii ugu dambeeysay ka dhexjiray dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada qilaafkaasi oo saameeyn ku yeeshay hormarka dalak Soomaaliya.

Hoos ka Dhageeyso Warbixin Wariyaha PP ee Muqdisho Cowke

https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/War-Cowke-PP-Aqalka-Sare-.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Aqalka sare oo sheegay in ay soo Afjareeyn qilaafkii dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this