Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo Kenyatta kala hadlay isbadalka Geeska Africa iyo xiriirka labada dal

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Uhurru Kenyatta, madaxweynaha dalka Kenya.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal ka dhaxeeya sidii loo wanaajin lahaa iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Al SHabaab oo shacabka labada dal dhibaato ku haya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galay shirka dhaqaalaha baddaha, waxaana uu kulan gaar ah magaalada Nairobi kula yeeshay madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta oo uu kala dhaxeeyo xiriir wanaagsan.

Soomaaliya waxaa ay bilihii dambe qeyb ka ahayd isbaheysiga is dhexgalka geeska Afrika oo ay ilaa hadda ku jiraan Dalalka Soomaaliya,Itoobiya iyo Eritrea, waxaana uu qorshaha uu yahay in dalal kale lagu daro.

Kenya,Jabuuti, Sudan iyo Uganda ayaa la doonayaa inay qeyb ka noqdaan isbaheysiga geeska Africa, iyadoo kadib madaxda qorshahooda uu yahay inay sameeyaan dhaqdhaqaaq dadka geeska Africa u ogolaanayo inay is dhex galaan.

Kenyatta ayaa bogaadiyay isbaheysiga cusub ee geeska Africa, isaga oo sheegay inuu wax badan ka badali doono is dhexgalka Bulsho ee geeska, dhaqaalaha iyo amanka gobolka geeska africa.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this