Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab isku ekeysiinayay ciidamada dowladda oo xukun lagu riday +Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun ku riday ruux la sheegay inuu ka tirsanaa Al Shabaab balse uu isku ekeysiin jiray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Cali Maxamed Cabdullaahi oo Al Shabaab ku biiray Shan sano ka hor ayaa la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka dilalka qorsheysan ee ka dhacayay magaalada Muqdisho, balse uu isku ekeysiiyay ciidamada dowladda.

Cali ayaa la sheegay in lagu qabtay isgoyska Shaqaalaha ee gobolka Banaadir Bishii Shanaad ee sanadkaan, waxaana xiligaasi uu qorsheynayay inuu dilo askari ka tirsan ciidamada xooga oo loosoo tilmaamay dilkiisa.

Sababta uu u doortay amniyaadka Al Shabaab ayuu ku sheegay in aysan ka aheyn fikir balse uu doorbiday sida uu sheegay dhaqaala badan oo lagu bixiyo kuwa gaadmada wax ku dilo oo ay Alshabaab u yaqaanaan Amniyaadka.

Qoraal kasoo baxay maxkamadda xukuntay Cali aya u qornaa Sidan:-

Maxkamadda ayaa dhageystay eedda xafiiska ay soo gudbiyeen Qiraalka eedeysanaha, waxa ay sidoo kale la wareegeen cadeymo dambi muujin oo ay soo gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta sida Qori AK-47, Labo Babmo F1 iyo boosh ay ku jireen sedax qasanadood oo rasaas ah taasi oo ay u dheertahay in uu ku labisnaa dharka ciidanka.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ka  gaaray kiiska maalintan, waxa ayna Maxkamadda ku  kala xukuntay

1-       Cali Maxamed Cabdullaahi 15-sano oo Xabsi ciidan ah halka sidoo kale ay Maxkamadda sii deysay

a-       Cabdicasiis Idriis Sheikh Cali

b-       Cabdullaahi Subeyr cumar iyo

C-    cabaas idiris sheekh cali kadib markii ay ku waysay wax dambi ah  , Sida uu u sheegay dhamman dhinacyada dacwadda Dhamme Maxamed Cabdi Muumin oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada.

Xukunsaha koowaad ayaa heysta fursad kale  uu ku dalban karo Rafcaan hadii  uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidaamda Qalabka Sida.

1-134.jpg 2-136.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this