Deeq A. Posted November 27, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen gudaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay nin lagu magacaabi jiray Xuseen Maxamed Xuseen oo maamule ka ahaa Iskuul ku yaalla degmadaasi. Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa Marxuumka waxa ay ku toogteen Xaafadda Coca Cola ee degmada Yaaqshiid, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in Raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi. Illaa iyo haddana ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkan, balse waxa uu qeyb ka noqonayaa dilal qorsheysan oo maalmihii dambe ka dhacayay gudaha M/ Muqdisho. The post Maamule Iskuul Oo xalay lagu dilay degmada Yaaqshiid appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites