Sign in to follow this  
Deeq A.

QM Oo cambaareysay qaraxyadii shalay ka dhacay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Networki )-War ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul loogu cambaareeyay weeraradii qaraxyada ahaa ee shalay ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nikolas Haysom ayaa ku tilmaamay weeraradaasi kuwo wuxuushnimo ah oo ay geysteen kooxo uu ugu yeeray Argagixiso.

Mr Haysom ayaa xusay in weeraradaasi ay waxyeelo ka soo gaartay dad aan waxba galabsan oo isugu jiray Rag, Haween iyo Caruur.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in QM ay ka soo horjeedo falalka ceynkani oo kale ah, islamarkaana ay garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn waxa uu Taci u diray dhammaan ehalladii ay dadkoodu waxyeaalado ka soo gaartay weeraradaasi.

Qaraxyadani oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo Rayid ahaa oo aan waxba galabsan.

The post QM Oo cambaareysay qaraxyadii shalay ka dhacay Soomaaliya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this