Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Ugu Weyn Dalka Zimbabwe Oo Iska Fogeeyay Eedaymo Culus Oo Loo Jeediyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Zimbabwe)-Hoggaamiyaha mucaaradka ugu tunka wayn dalka Zimbabwe ayaa diiday in uu taageerayaashiisa ku dhiirigaliyay in ay dhigaan mudaaharaadkii rabshadaha watay ee doorashada ka dib dhacay kaas oo horseeday in ay lix ruux dhintaan bishii Agoosto.

104504867_64b541a4-722e-4dc2-9950-f6a2ab

Nelson Chamisa ayaa madaxweyne Emmerson Mnangangwa ku ku dhaliilay go’aanka uu milatariga ku adeegsaday si ay rabshadaha u joojiyaan.

Toddobo ruux oo baadhitaan ku sameeya arrintaas ayaana bishii Sabtembar la sameeyay si ay baadhitaan ugu sameeyaan dilkaas.

Nelson Chamisa ayaa sheegay in xisbiga uu hogaaminayo uusan ku baaqin dibedbaxyo koowdii bishi siddeedaad ee sannadkan. waxaa uuna sidoo kale sheegay in lix ka mid ah dadkii la toogtay aysan xubin ka ahayn xisbigiisa.

Xiisad ka dhalatay doorashada Zimbabwe

Zimbabwe: tirinta codadkii doorashada oo la bilaabay

Xisbiga MDC ayaa ugu baaqay guddiga baaritaanka sameynaya oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee koonfur Afrika inay xaqiiqada dhabta ah ka sal gaaran.

Cid doonaysa ma jirto inay qaadato masuuliyadda wixii maalinkaas dhacay, taliyaha cidammada Zimbabwe ayaase qirtay in askarta ay rasaas fureen balse waxaa uu meesha ka saaray inay dibad baxayasha bartilmaamedsadeen.

Dibedbaxyadda ayaa dhacay ka dib markii guddiga doorashada uu ku dhawaaqay in madaxweyne Emmerson Mnangagwa uu ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalkaasi dhamaadkii bishii toddobaad.

Doorashadii ka dhacday dalkaasi oo aheyd middii ugu horraysay ee uusan ka qayb galin madaxweynihii mudada dheer soo maamulayay dalkaasi, Robert Mugabe ayaa rabshadihii ka dhahsay waxaa ku dhintay dhawr qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this