Sign in to follow this  
Deeq A.

Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Jowhar Oo Xalay Toogasho Ku Dilay Xaaskiisii Xaamilo Ahayd

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jowhar)-Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar uu xalay ku diley xaaskiisa guri ay ka degenaayeen xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar.

20181127636788755165128969jowhar_city-72

Dilka haweeneydan oo la sheegay in ay xaamilo ahayd lana odhan jirey Jamiilo Sh. Cali Ibraahim oo 32 jir ahayd ayaa ka dambeysay kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay iyada iyo seygeedii oo lagu sheegay magaciisa Cali Dheere.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in markii ay murmeen uu bastoolad uu lahaa dhowr xabadood ku dhuftay. Sarkaalka dilka geystey ayaa la sheegay in ay ciidamadu soo qabteen xabsigana la dhigey.

Dilkan naxdinta leh ayaa ku soo beegmaya xilli shalay ay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan dambiyada iyo maandooriyaha(UNODC) ay soo saartay warbixin sheegeysa in maalin walba caalamka lagu dilo illaa 137 haween ah kuwaasoo dilkoodana ay ka dambeeyaan xubin ka mid ah qoyskooda

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this