Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Faarax Macallin oo shirkadda Hormuud ku bogaadiyey go’aankeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Faarax Macallin ayaa ka hadlay dilalkii qorsheysnaa ee dhowaanahan magaalada Muqdisho loogu geysanayey qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda is-gaarsiinta Hormuud.

Inkasta oo aysan jirin cid si rasmi ah u xaqiijin karta, haddana waxaa aad loo rumeysan yahay in dilalkan ay ka dambeyso kooxda Daacish, oo Hormuud ka dooneysa lacag baad ah, oo sida la sheegay Hormuud ay ku gacan seertay inay bixiso.

Faarax Macallin ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku bogaadiyey shirkadda Hormuud inaysan u hogaansamin baadda iyo cabsi-gelinta kooxda Daacish, kuna adkeysatay inay ilaaliso mabaadi’deeda.

“Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee ka farcamay sida Daacish waa dambiileyaal abaabulan oo lacag ka baadaya bulshada gacansiga Soomaaliya. Qof kasta waa inuu ku garab is-taagaa Hormuud la dagaalanka dambiileyaashan” ayuu ku yiri Faarax Macallin qoraalka uu soo dhigay twitter.

Waxa uu intaas ku daray “Waxaan ku bogaadinayaa Hormuud inay u taagan tahay ilaalinta mabaadi’da”

Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa inta badan ku tiirsan dhaqaalaha ay ka baadaan ganacsatada Soomaaliya, oo ay ugu yeeraan Zako. Waxay sidoo kale baadaan dadka shacabka ah sida xoolaleyda iyo beeraleyda, ayaga oo dila ciddii diida inay lacag siiso.

Inta badan shacabka ayaa bixiya lacagahan, sababtoo ah ma jirto cid ka difaaci karta kooxahan, maadaama dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay aad u awood liitaan.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this