Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Xaaskiisa oo 32 jir ah xaamilana aheyd ku toogtay magaalada Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabeelle ayaa sheegaya in ruux ka tirsan maamulka Hirshabeelle inuu dilay xaaskiisa.

Wararka ayaa sheegaya in ruux dilka geystay uu ahaa maareeyihii garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, waxaana magaciisa lagu koobay Cali Dheere.

Haweeneyda Geeriyootay ayaa magaceeda lagu sheegay Jamiilo Sheikh Cali, waxaana da’deeda lagu sheegay 32 jir, iyadoo la sheegay inay xaamilo aheyd.

Waxyaabaha ka dambeeya dilka haweeneyda ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay bastoolad ay ku murmeen kadibna uu toogtay, halka wararka qaar ay sheegayaan in haweeneyda ay ka maseertay haweeney lala guursaday.

Rasaas ayuu ku furay sida wararka aan ku heleyno, iyadoo u geeriyooday, waxaana laamaha amaanka ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen xili uu doonayay inuu ka baxsado magaalada.

Saraakiisha amaanka waxay sheegeen in ruuxa falkaasi geystay uu ku xiran yahay saldhiga magaalada Jowhar, baaritaan kadibna maxkamad lasoo taagi doono.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this