Deeq A. Posted November 27, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada Boolsika Soomaliya ayaa saaka howlgallo qorsheysan ka wada qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa ka socda Isgosyada Banaadir, Soobe, KM4, Taleex ee magaalada Muqdisho. Ciidamada ayaa baaraya Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee isticmaalaya Isgoysyadaasi. Xiriiro aan la sameynaya saraakiisha laamaha ammaanka ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan howlgalladaasi. Muddooyinkii dambe waxaa gudaha Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka oo uu ugu dambeeyay qaraxii shalay ka dhacay degmada Wadajir ee G/ Banaadir. The post Ciidamada amniga Oo saaka howlgallo ka wada Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites