Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Gaari Oo ka dhacay Guri ku yaalla Waddada Warshadaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay qeybo ka mid ah Waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhashay Gaari la sheegay in lagu diyaarinayay Guri ku yaalla agagaarka Warshadda Taraq iyo Sigaarka ee Waddadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray Qosykii daganaa Gurigaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray halkaasi, kuwaas oo gacanta ku dhigay xubno ka mid ah Qoyskii daganaaa Guriga uu qaraxu ka dhacay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay saraakiisha laamaha amnigu ay ka soo saareen qaraxaasi.

Shalay ayey aheyd markii qarax Gaari oo ku dhinteen dad badan oo Rayid ahaa uu ka dhacay Suuqa ku yaalla Xaafadda Kaawo Godey degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

The post Qarax Gaari Oo ka dhacay Guri ku yaalla Waddada Warshadaha appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this