Sign in to follow this  
Deeq A.

GALMUDUG oo “qabatay mid ka mid ah Shabaabkii weeraray GAALKACYO”

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidamada DANAB ee Galmudug Cabdi Casiis Cabdullaahi oo maanta la hadlay Saxaafada ayaa waxaa uu faahfaahiyay qaraxii iyo dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Waxaa uu sheegay Taliyaha in 4 qof ay weerar ku qaadeen xarunta wadaadka Sheekh Cabdi weli oo ku geeryooday weerarka, isagoona tilmaamay in ay dileen nolasha ku qabteen mid ka mid ah ragii ka tirsanaa Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu xusay in ku dhawaad 20 qof ay ku dhinteen, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen Weerarka qaraxyada ku bilowday ee saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa Sheegtay  mas’uuliyada weerarkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug, waxaana ayna sheegeen inay dileen Nin Aflagaadeyn jiray Nabigeena Muxamed NNKH.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this