Deeq A. Posted November 26, 2018 Baladweyne ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Wafdiga madaxweynaha ayaa magaalada Baladweyne waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxda Maamulka Gobolka Hiiraan iyo dad shacab ah. Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa horay u gaaray wafdi uu hoggaaminayo abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka,kuwaas oo ujeedkooda uu yahay dardar gelinta howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab iyo tirakoobka Ciidamada Xoogga dalka. Madaxweyne Waare ayaa inta uu joogo magaalada Baladweyne wuxuu la kullamo la qaadan doonaa Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka,Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka iyo Odayaasha dhaqanka,kuwaasi oo uu kala hadli doono arrimaha amniga iyo in la dar-dar geliyo dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab. The post Madaxweynaha HirShabelle Oo gaaray Baladweyne appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites