Sign in to follow this  
Deeq A.

Darawalka waday Gaarigii ku qarxay Wadajir Oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ay gacanta darawalkii waday Gaari maanta ku qarxay Suuqa ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay in Ciidamada amnigu ay ku joojiyeen bar-kontarol oo ku taalo xaafadda Kaawo Godey ,halkaas oo uu markii dambe uu ku qarxay.

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa SONNA u sheegay in ninkii waday Gaariga gacanta lagu soo dhigay, kadib markii uu isku dayay inuu ka baxsado Ciidamada amniga.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray dad u badnaa Rayid  oo ku sugnaa halkaasi.

The post Darawalka waday Gaarigii ku qarxay Wadajir Oo la qabtay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this