Deeq A. Posted November 26, 2018 Mahadaay ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in barqanimadii maanta Askari ka tirsan Ciidamada dowladda uu Qof Rayid ahaa ku dilay gudaha degmada Mahadaay ee gobolkaasi. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cadiraxmaan Cadow Maxamuud, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ehelladiisa. Ruuxa la dilay ayaa la sheegay in uu dhawaan ka yimid deegaan hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Lamana oga illaa iyo hadda u jeedada rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay Marxuumkaasi. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay Askarigi dambeeyay dilkaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxaya maamulka HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa dhibaatooyin xoogan u geysta dadka Rayidka ah ee aan waxba galabsan. The post Askari ka tirsan Ciidanka DFS Oo dil ka geystay Mahadaay appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites