Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA Oo fashiliyay qarax lagu aasay degmada Hodan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee DFS oo howlgal qorsheysan ka sameeyay degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay in ay soo saaraan qarax Miino ah oo lagu aasay gudaha degmadaasi.

War ka soo baxay Hay’adda Nabad sugidd iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, ayna soo dhigeen barta ay ku leeyihiin Twitterka ayaa lagu sheegay in ay ku guuleysteen in ay fashiliyaan Miinadaasi oo ku aasnayd xaafadda KPP ee degmaad Hodan.

NISA ayaa sheegtay in howlgalkaasi ay iska kaashadeen Ciidanka Booliska iyo Nabadsugidda, kuwaasi oo gacan ka helaya shacabka Muqdisho.

Halkan hoose ka Akhriso:-

NISA.jpg

The post NISA Oo fashiliyay qarax lagu aasay degmada Hodan appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this