Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:-Golaha Aqalka Sare Oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii 7 aad oo qeyb ka ah Kalfadhiga Afaraad ee Golahaasi ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Xubnaha Aqalka Sare ayaa dhageystay akhrinta labaad ee Sharciga sameynta Gudidga Madaxa Banaan ee Ladagaalanka Musuqmaasuqa.

Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddigan waxa uu ka soo gudbay Golaha Shacabka ee BFS 21/11/2017-kii, wuxuuna soo gaaray Aqalka Sare 28/11/2017-kii, si waafaqsan qodobka 44 aad ee xeerhoosaadka Golahaasi.

Wasiirka Cadaalada Soomaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedkan fadhiga guud ee Golaha 24/04/2018-kIi

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi xaashi C/laahi  ayaa 29/04/2018-ka, si rasmi ah ugu gudbiyay Hindise Sharciyeedkan guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare.

Xildhibaan Sam Sam Ibraahim Cali oo ah guddoomiyaha guddiga Garsoorka, arrimaha Diinta , Awqaafa, Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Caruurta ayaa ka sheekeysay marxaladaha uu soo maray sharcigan.

Ugu dambeyn Cabdi Xaashi C/laahi guddomiyaha Aqalka Sare ayaa amar ku siiyay xubnaha Golahaasi in ay muddo 3 cisho ah ay Isha ku soo maraiyaan Sharcigaasi.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday mas’uuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda oo soo diyaariyay Hindise Sharciyeedkan in ay Sabtida ay hor yimaadaan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee federaalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada.

DSC_9226.jpg DSC_9187.jpg DSC_9185.jpg UPPER-HOUSE.jpg

The post Sawirro:-Golaha Aqalka Sare Oo kulan ku yeeshay Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this