Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin: Qarax qasaare geeystay oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso qarax qasaare geeystay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi oo ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxa uu ka dhacay suuqa Kaawa-Goodey oo katirsan degmada wajir ee Muqdisho.

ku dhowaad 10-ruux oo dhamaantood ahaa dad shacab ah ayaa ku dhintay qaraxaasi tiro ku dhow 20-ruuxna waa ay ku dhaawacmeen.

Xiliga uu qaraxa dhacayay suuqa ayaa ahaa mid mashquul badan dad badan oo ka tukaameeysanayayna ay goobta ku sugnaayeen.

Dhinaca kale hay’adaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxaasi maanta ka dhacay Muqdisho.

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa  Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ninkii waday gaariga gacanta lagu soo dhigay ka dib markii uu isku dayay inuu ka baxsado Ciidamada amniga.

Hoos ka Daawo Sawirada

Qarax-4.jpg?resize=960%2C540&ssl=1 Qarax-3-2.jpg?resize=960%2C540&ssl=1 Qarax-2-2.jpg?resize=960%2C720&ssl=1 Qarax-1-2.jpg?resize=960%2C540&ssl=1

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Faah Faahin: Qarax qasaare geeystay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this