Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee ayuu u dhacay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen xarunta C.Welli Yare +Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka Galmudug ayaa soo afmeeray weerar waaberigii saaka Al Shabaab ay ku qaadeen xarun xerta Wadaadka Sheikh C/Welli Yare oo caan ka ah Gobolka Mudug.

Ciidamada amaanka ee Galmudug ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen mid kamid ah ragii ka dambeeyay weerarka ka dhacay xarunta Wadaadka, waxaana lagu hayaa saldhig ku yaala magaalada Gaalkacyo.

Hay’addaha amaanka ee Galmudug ayaa sheegay in 20 ruux oo uu kujiro wadaadkii xarunta masuulka ka ahaa inay ku dhinteen weerarka oo muddo hal saac ka badan ka socday koofurta Magaalada Gaalkacyo.

Al shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka ayaa ku bilaabay qaraxyo ilaa afar gaaraya, iyadoo kadib ay gudaha u galeen, waxayna toogasho kula dhaqaaqeen dadka goobta ku sugnaa.

Al- Shabaab ayaa Sababta ay u beegsadeen waxay ku sheegeen inuu af lagaadeeyay nabi Maxamed NNKH horey ayay Al-Shabaab digniin ugu dirty.

46519976_2167770920130048_61678242496931 46678696_2167771166796690_80016525563946 46831455_2167771063463367_42573588658441

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this