Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare oo Culees ka dareemay Isku shaandheyn uu qorsheynayay una duulay Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo laga sugayay inuu isku shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada ayaa si lama filaan ah uga degay magaalada Baladweyne.

Xarunta Madaxtooyada Hirshabeelle ee (Jowhar) ayaa xalay laga seexan, iyadoo madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa laga filayay iney shaaciyaan magacyada Wasiirada cusub iyo kuwa la isku bedelayo,balse ma dhicin.

Taa badalkeeda,madaxweyne Waare wuxuu saakay safar aan horay loo shaacin ugu ambabaxay Baladweyne si uu la tashi ula soo sameeyo Beelaha dega gobolkaasi oo tabasho qabo.

Warar hoose ayaa sheegaya inuu muran ka taagan yahay hanaanka awood qeybsiga beelaha,culeys badana uu saaran yahay madaxweynaha Maamulka Hirshabeele Maxamed Abdi Waare,taasi oo keentay dib u dhaca ku yimid shaacinta isku shaandheynta Wasiirada.

Waare, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, iyadoo la filayo inuu kulamo wadatashi ah la qaato shacabka iyo waxgaradka gobolka Hiiraan.

7-50.jpg 6-59.jpg 2-129.jpg

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this