Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoggo ku saabsan Isku dhuc xoogan oo soo kala dhex galay Madaxweynaha Somaliland Muusa Biixi Cabdi iyo qaar ka mid ah Salaadiinta Gobalka Togdheer.

Recommended Posts

Deeq A.   
Xoggo ku saabsan Isku dhuc xoogan oo soo kala dhex galay Madaxweynaha Somaliland Muusa Biixi Cabdi iyo qaar ka mid ah Salaadiinta Gobalka Togdheer.
warar hoose ay u  helen warbaahintu ayaa waxa  sheegayaan in
isku dhacan uu ka dhashay  kulan labadan masuul  ku dhex maray magaalada Burco ee xaruuta Gobalka Togdheer.
Suldaan Maxamud Xaaji Husein Nuu Cali ayaa waxa la sheegay inuusan kala kulmin maqaamkii uu filanaayey iyo codsigii uu suldanku u
gudbiyey madaxweynaha taasna ay dhalisay inuu Suldaanku ka cadhoodo dhacdadaas.
Suldaan Maxamud Xaaji Husein  ayaa kulanka uu madaxweynaha la qaatey ka dib waxa uu si hoose shir deg deg u ugu qabtey Beeshiisa Cimraan isagoo ku bogaadiyey una sheegay inuusan  madaxweynahani ahayn kii ay doorten iyo mid ay beeshiisu ka heli karto saami qeybsiga ay xaqa ay xaqa u lahaayeen.
sidas darteedna waxa uu Suldaanku u soo jeediyey Xubnaha Beeshiisa inaysan la shaqeyn karin Muusa Biixi iyo xukuumadiisa.
Waxa kale oo uu suldaanku goobtaas ka sheegay in aanay wada cadeyn mucaaradnimadooda xilligaan hadda lagu jiro, balse ay isku afgartaan marka hore in ay go,aan ka yeeshan Madaxweynaha mustaqbalka fog.
masuuliyiintii goobtaas joogay ee ka qeybgakay shirka uu Suldaanku u isugu yeeray ayaa waxa ay la qaateen in madaxweynuhu uusan ahayn madaxweyne hanan kara quluubta beeshaas sidaas darteedna ay tahay in ay ka bedel raadsadaan xiliga digarogosho timaado ama Doorasho.
Madaxweynaga  Somaliland ayaa bilihii la soo dhaafayba wajahayey culaysyo Siyaasadeed oo kaga imaanaya Xisbiyada dalka ka jira iyo meelo kalaba, waxa uuna hada Socdaal dheer ku marayaa Qeybo ka mid ah Gobalada bariga dalka si uu uga galgasho culaysyadaas soo wajahay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this