Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Xoghaye Macalimow Oo Sheegay In Xukuumadda Kheyre Ay Caburiso Suxufiyiinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj Maxamed Ibraahim Macalimow oo Maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay xukuumadda federaalka Soomaaliya ay culeys badan saartay saxaafadda.

Waxa uu sheegay in muddo Todobaad ah si sharci darro ah ku xiran yahay Wariye Nuur Ismaaciil oo aan wax maxkamad ah lasoo taagin.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Kheyre ayuu sheegay iney tahay midda ugu qalafsan ee soo marta saxaafadda Soomaaliya.

Macalimow ayaa sheegay in maalin walbo xubno xukuumadda ah ay u hanjabaan wariyeyaasha iyo sidoo kale xarumo warbaahin.

Saxaafadda Soomaaliyeed ayuu sheegay Macalimow iney maanta ku jirto meel qatar ah, walibana ay sabab u tahay xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Macalimuu.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this