Deeq A. Posted November 26, 2018 Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar toos ah oo ku bilowday qaraxyo oo saaka ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Weerarka ayaa la sheegay in uu ku bilowday qarax Ismiidaamin ahaa, iyadoona kadib Rag hubeysan ay gudaha u galeen xarun Gaalkacyo uu ku lahaa Wadaad lagu magacaabi jiray Sheekh C/weli Cali Cilmi Yare oo caan ka ahaa magaaladaasi. Ku dhawaad 15 Qof oo uu ku jiro Wadaadkaasi ayaa ku dhintay weerarkan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan halkaasi. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in la toogtay qaar ka mid ah Xertii Wadaadkaasi iyo Rag ilaala u ahaa oo ku sugnaaa xaruntaasi. Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in weerarkaasi ay ku dileen Sheekh C/weli Cali Cilmi Yare oo ay tilmaameen in uu aflagaadeeyay Nabigeena Muxamed NNKH. Xaaladda ayaa haatan dagan, waxaana weerarka soo afjaray Ciidamada ammaanka oo Toogtay qaar ka mid ah Raggii soo qaaday weerarkaasi. The post Weerar ku bilowday qaraxyo Oo ka dhacay M/ Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites