Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’ii Oo Sacuudiga Ka Iibisay Qalab Casri Ah Oo Wax Lagu Basaaso Iyo Kulamo Qarsoodi Ah Oo Dhexmaray Madaxda Labada Dawladood

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Jaraa’idka kasoo baxa Israel ayaa qoraalo ay daabaceen lagu xaqiijiyey in Shirkada laga leeyahay Israel ee NSO Group Technologies ay dowlada Sacuudiga ka iibisay qalabka casriga ah ee lagu basaaso telefonada gacanta.

MBS-tanyahu-xiriir.jpg

Kulamo qarsoodi ah oo dhexmaray mas’uuliyiinta shirkadaasi iyo sirdoonka Sacuudiga ayaa la sheegay in sanadkii hore ka dhaceen dalka Austria iyo jasiirada Qubrus.

Sacuudiga ayaa la sheegay in shirkadaasi gorgortan kula jireen iibka barnaamijka wax lagu basaaso ee loo yaqaan Pegasus-3 oo ah mid halis ah oo si qarsoodi ah lagu ogaan karo dhamaan xogta ku jirta Telefonada gacanta ee shaqsiyaadka dabagalka lagu sameenayo, sida ay sheegtay jariirada Haaretz.

Isla qalabkan ayaa la rumeysan yahay in Sacuudiga u adeegsaday hawlgalkii sanadkii hore Maxamed Bin Salmaan [MBS] uu ku xir xiray in badan oo kamid ah qoyska Boqortooyada Sacuudiga oo uu ku xiray hotel ku yaal magaalada Riyadh.

Suxufigii la dilay ee Jamal Khashogi ayaa sidoo kale la sheegay in barnaamijkan ay sameysay Israel ee Pegasus lagu weeraray telefoonkiisa gacanta, waxaana suxufigaasi lagu dilay 2dii Oktoober qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul.

Maamulka Israel ayaa la sheegay in todobaadyadii lasoo dhaafay ay dadaal ugu jireen in laga difaaco Maxamed Bin Salmaan cadaadiska caalamka uga imaanaya kadib dilkii Khashoggi, waxaana la sheegay in Israel ay qeyb weyn ku lahayd ka dhaadhicinta Madaxweynaha Maraykanka Trump inuu taageero buuxda la garab istaago MBS.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this