Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax ismiidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay isgooyska mashquulka badan ee Kaawo-Godeey Degmada Wadajir ee Magaalad Muqdisho.

Waxaa qarxay gaari nooca loo yaqaano Specio waxaana uu ku qarxay goob dad badan ay sugnaayeen.

Goobjoogayaal aan la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay jiraan qasaarooyin isugu jioro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ahaa.

Waxaa xusid mudan in sanadkii hore uu ka dhacay qarax qasaare badan geeystay halka uu maanta qaraxani ka dhacay.

Faah Faahinta dib ugala soco Insha allah

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post DEG DEG: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this