Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalka ka socdo xarunta Sheikh C/Welli oo xoogeystay iyo Khasaaraha oo kordhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Waxaa sii xogeystay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo kooxaha hubeysan ee weeraray waaberigii saaka xarunta uu dhalinyarada bada ku hayay Sheikh C/Welli Yare.

Wararka ayaa sheegaya in khasaaraha ka dhashay weerarka uu kordhay, waxaana uu gaaraya ilaa 20 ruux oo dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoo wali dagaalka uu socdo.

Dadka degan agagaarka goobta ay wax ka dhaceen ayaa xaqiijiyay in Wadaadka uu ku geeriyooday qaraxii ugu horeeyay ee ka dhacay xaruntiisa.

Waxaa wali socda dagaalka u dhaxeeya ciidamada doonaya inay difaacaan xarunta la weeraray iyo kooxihii weerarka geysta, iyadoo la sheegayo in kooxaha hubeysan ay gudaha xarunta wali ku jiraan.

Ku dhowaad 20 ruux ayaa lagu soo waramayaa in qaraxyadaas iyo weerarkaas ay ku geeriyoodeen,waxaana mas’uuliyadda sheegtay Al-Shabaab.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah
Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caaismada@live.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this