Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaalkacyo: Weerar Ku Bilowday Qaraxyo Oo Lagu Qaaday Xaruntii Wadaadka C/weli Cali Cilmi

Recommended Posts

Deeq A.   

Weerar Xooggan oo ku bilowday qarax Ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday xarun uu Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ka deganaa Wadaadka C/weli Cali Cilmi, halkaasi oo ay ku sugnaayeen dad u badan xer.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari ayaa waxaa xigey rag hubeysan oo halkaasi gudaha u galay, kuwaasi oo bilaabay iney dilaan dadkii goobta ku sugnaa.

Warar goor dhow aan helnay ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ku dhintey C/weli Cali Cilmi, iyadoo weli gudaha xaruntan dagaalka uu ka socdo.

Ciidamada Galmudug ayaa isku gadaamay halka ay galeen raggan weerarka qaaday ee loo maleynayo ine ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this