Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-Faahin -Qaraxyo Saaka ka dhacay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacayo-[Puntland Post]-Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qaraxyo Saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Labo Qarax oo waa weyn ayaa ka dhacay xarunta wadada Sheekh Cabdiweli Cali Cilmi yare oo ku taalla Koonfurta Magaaladasi

Qaraxyadda ka dib dabley hubeysan ayaa la xaqiijiyay  in ay gudaha u galeen xarunta ,halkaasna ay ku laayeen dadkii ku sugnaa.

Dad badan oo isugu jira Shacab iyo xertii wadaadka ayaa la xaqiijiyay in ay halkaasi ku dhinteen, waxaana ugu dambeyntii weerarkaasi soo Afjaray Ciidanka Galmudug.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Qaraxyaddaasi lagu dilay Sheekh Cabdiweli Cali Cilmi.

dhanka kale war ka soo baxay  Alshabaab ayey ku sheegteen in ay iyagu ka danbeeyen weerarkasi waxana sida oo kale ay qoraalkooda ku cadeeyen in uu geeryooday wadadkii xaruntaasi haysta.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post 

The post Faah-Faahin -Qaraxyo Saaka ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this