Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Galaya Shirka Dhaqaalaha Badaha Oo Kenya Ka Furmaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Kenya-[Puntland Post]-Magalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa maanta ka furmaya shirka Dhaqaalaha Badaha,iyadoona dawlada soomaliya uu uga qeyb gali doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay Gelinkii dambe gaaray Magaladasi.

Shirkan ayaa lagu wadaa in uu socdo mudo sadex cisho ah waxana looga hadli doona horumarinta dhaqaalaha badaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgashiga, sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta saboolnimada, horumarinta tiknaloojiyadda kalluumaysiga, badbaadada iyo ilaalinta hannaanka caalamiga ah ee marinnada badda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu shirkan uu ku soo bandhigi doono qorshe la xiriira maalgashiga casriyeynta dekadaha, kobcinta dalxiiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyin xeebeedka, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.

Shirkan waxa ka qeyb gali doona in kabadan 4000  oo qof  waxana si wada jir ah u soo qaban qaabiyey wadamda Canada, Japan iyo Kenya,

Cabdiqani Boos 

Puntland Post 

The post Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Galaya Shirka Dhaqaalaha Badaha Oo Kenya Ka Furmaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this