Sign in to follow this  
Deeq A.

Dokumenti caddeyn u ah heerka musuq-maasuqa Yariisow iyo baaritaanka uu sameeyey hanti-dhowrka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowaan ayaa hanti Dhowrka Qaranka Maxamed Afgooye uu u diray qoraal Gudoomiyaha Baarlamaanka kaas oo ku sheegay in ayan jirin wax wada tashi ah oo kala dhexeeyay Gudiga Maaliyadda ee Baarlamaanka isla markaana uusan jirin xiriir toos ah oo wada tashi ah.

Hadaba waxa  jira cadeeymo muujinaya in Hanti Dhowrka Qaranka uu si joogta ula xiriirayay Gudiga Maaliyadda ee Baarkamaka.  Qoraal uu soo saaaray Hanti Dhowrka  Qaranka bishii Noveenbar 17 keedii ayuu ku waragaliyay Gudiga Maaliyadda ee Baarkamanka musuq-maasuq ka jira Gobolka Banadir iyo in loo baahan yahay in lagu sameeyo dabagal lana baaro musuqmaasuqa baahsan ee ka jira Gobolka Banaadir.

Musuq-maasuqa iyo xatooyada maamulka gobolka Banaadir ayaa maraya heer ay u muuqato in Yariisow uu xilkiisa ku weyn doono, waxaana lacagta maqan ay tahay mid ka badan tan gobolka uu xisaab xirka ku sameeyey.

Hanti Dhowrk Qaranka ayaa ah shaqsi uu keensaday R/W Kheyre inta badan ku shaqeeya rabitaankiisa.

Waxaa jira macluumad dheeri ah iyo caddeeymo aan helnay. Xogaha aan  helnay ayaa waxaa ka mid ah sida loo dhacay lacagta maqan iyo cidda ay ku maqan tahay. Caddeeymaha ayaa isugu jira jeegag ay qoreen madaxda ugu sarreeysa dowladda kuwaaso loo qoray shaqsiyaad ay isku hayb yihiin madaxda dalka.

Xigasho: Muqdisho Online

Halkaan ka aqriso qoraalka uu soo qoray Hanti Dhowrka Qaranka:hanti-dhowrka1-660x880.jpeg hantidhowrka2-660x880.jpeg hantidhowrka3-660x880.jpeg hantidhowrka4-660x880.jpeg hantidhowrk6-660x880.jpeg hantidhowrka7-660x880.jpeg hantidhorka8-660x880.jpeg hantidhowrka9-660x880.jpeg hantidhowrka10-660x880.jpeg hantidhowrka10-660x880-1.jpeg hantidhowrka11-660x880.jpeg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this