Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararii ugu dambeeyay ee Magaalada Gaalkacyo & Ciidamada DANAB oo ku biiray dagaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Weerarka ayaa dhacay abaaro 06:00 Am Subaxnimo ee saaka, waxaana uu ku bilowday qarax lala eegtay xarunta Sheikh Cabdi Welli Yare oo ku taala Koofurta magaalada Gaalkacyo.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kasaaro badan uu dhaliyay weerarka oo qaraxyada kadib weerar toos ah uu xigay, waxaana la sheegay in gudaha xarunta laga maqlay rasaas iyo qarax loo malaynayo inay shaqsiyaad isku xireen.

Ciidamada DANAB oo si gaar ah u tababaran ayaa la sheegay inay ku biireen weerarka iyaga oo difaacayay xarunta la weeraray, waxaana wali la maqlayaa rasaas dhaceysa.

Khasaaraha ugu badan ayaa la sheegayaa inay gaareen dhalinyarada xarunta ku sugneyd oo daacad u ahaa wadaadka leh xarunta oo ku taala dhanka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo.

Lama hubo khasaaraha inta uu la eg yahay, waxaana magaalada Gaalkacyo la isla dhex marayaa in Wadaadka xarunta lahaa lagu dilay goobta, walow aan la xaqiijin karin ilaa io hadda.

Caasimada Online ayaa ku howlan xaqiijinta khasaaraha dhab ah ee ka dhashay weerarka saaka.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this