Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wakiilada Oo La Filayo In Markii 5aad Muddo Kordhin Loo Sameeyo Iyo Marxaladihii Ay Muddo Kordhitoodu Soo Martay

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Wakiilada Oo La Filayo In Markii 5aad Muddo Kordhin Loo Sameeyo Iyo Marxaladihii Ay Muddo Kordhitoodu Soo Martay

 

 

Xildhibaanada golaha wakiilada ayaa la filayaa in markii 5aad loo sameeyo muddo kordhin muddo xileedkooda ah, ka dib markii sida muuqata aanay doorahada baarlamaanka iyo deegaanku wakhtigooda ku qabsoomayn.

Golaha wakiilada oo la doortay bishii September ee sannadkii 2005, ayaa sharciyan waxay ahayd inay kuraasta golaha wakiilada ku fadhiyaan shan sannadood oo ku beegnayd sannadkii 2010, laakiin waxa loo sameeyay afar goor oo muddo kordhin ah.

Doorashada baarlamaanka oo la qorsheeyay inay qabsoonto bisha March ee kal dambe ayaa u muuqata inaanay ku qabsoomayn wakhtiga loogu tallo galay, iyadoo ay sabab u yihiin duruufo kala duwan oo caqabad ku noqday qabsoomida doorashadaas. Waxaana la filayaa in dhawaan golaha wakiilada loo kordhiyo markii shanaad.

Wakhtiyadii kala duwanaa ee golaha wakiilada loo sameeyay muddo kordhinta, ayaa waxa ay kala yihiin sidan:
Waxa loo kordhiyay laba sannadood oo ka bilaabantay 30/10/2010, kuna beegnayd 30/6/2013
Waxa loo kordhiyay laba sannadood bil iyo 27 maalmood oo ku beegnayd 2/27/2015
Mar saddexaad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo kaga eekayd 27/10/2017
Markii afraad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo iyaduna kaga beegan 28/4/2019
Dhawaana waxa la filayaa in loo kordhiyo markii shanaad. Si kastaba ha ahaate, halkii ay sharciyan ka ahayd inay xildhibaanada golaha wakiiladu kuraasta fadhiyaan 5 sannadood oo ku beegnayd sannadkii 2010 waxay u muuqataa inay ku gaadhayaan sannadka 2020.

Geeska

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this