Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland iyo Kelidii Taliye Cusub Muuse Biixi Hamigiisa, Dhisida hayadaha uu rabo inuu hamigiisa ku gaadho, suurgalnimada hamigiisa, Cida joojin karta.

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland iyo Kelidii Taliye Cusub
Muuse Biixi Hamigiisa, Dhisida hayadaha uu rabo inuu hamigiisa ku gaadho, suurgalnimada hamigiisa, Cida joojin karta.

Hamigiisa ugu wayni waa inuu sameysto awood Ciidamo adag kala noocnooc ah oo 80% ka soo jeeda Beeshiisa iyo Beelaha kale ee uu ku kalsoon yahay. Askari, Qori, iyo Cabdi.

Surtagelintii hamigaasi Already way bilaabantay waxaanu ku bilaabay inuu kaysado oo uu xidho lacagtii iyo dhaqaalihii yaraa ee dalka soo galayay!.
Inuu dadkii ku soo rogo nidaamka shuuciyada ee ah qofna ma dhergi karo hadaad qado cuntay waad badsatay ee , casho ha sugin.
Suuqyadii Ganacsigu waa dhaag, iibkii hantida ma guurtada ahi waa dam. Weli qiiqii Axmed Siraanyo ayaa sii baxaya ee 2019 ka afkaa juuqda gabi doona

In damaciisa la joojiyaa waxay suuro gal tahay 30%. Waayo?
Marka hore dadka dalka ku nooli way kala qaybsan yihiin, oo wuxuu haystaa tageerayaal badan oo sax iyo khaladba ku difaaca ,waa mida labaade dadku waxay la falgaleen nidaamyo doorashooyin Qabyaaladaysan lakiin dadku si nafisa ugu wada noolaayeen, kuraasida dalkana lagula kala wareegi jiray markaa kama fikiri karaan mana hayaan qaaciidadii ay ku joojin lahaayeen nin Kelidii Taliye ah oo intuu waxoodii ka tagey toobiye kala qabsaday!

Waa kee ninka ugu dhaw ee Joojin kara inuu Muuse Biixi noqdo Kelidii Taliye Isagoo wax dili kara aan aqbalin inuu duco qaato ?.

Waa Faysal Cali Waraabe. Sababtoo ah waa nin inbadan hal hayskiisu ahaa in aanu cidna ka yeelaynin in Somaliland la baabiyo. “Aabahay ayaan ka diiday” Ayuu yidhaahdaa.
Bal aynu eegno inuu Muuse ka yeelo inay Somaliland noqoto Xero Askareed oo uu kelidii Taliye maamulo iyo in ay hayso dariiqeedii ahaa Not so good not so bad.

Bal aynu sugno halka ay ku danbeeyaan Muuse Biixi iyo Somalilandta aanay cidina aqoonsan ee daawaha ku socotaa.

Alla Mahad Leh
Osman Omar Dool Oslo Norway

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this