Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharixiintii ugu badnaa ee Koonfur Galbeed oo is casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegayaan in ay is casileen maanta xubnihii ugu badnaa ee musharixiinta doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi u taagneyd.

Musharixiintaan oo tiradooda ay gaareeyso ilaa 5 Musharax ayaa ku dhawaaqay in ay ka tanaasuleen u tartamida doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi.

Musharixiinta ayaa shir ku yeeshay magaalada Baydhabo iyaga oo go’aankaasina gaaray iyaga oo is casilaadoodana ku sababeeyay faragalin ay ku heeyso dowlada Soomaaliya.

Magacyada Musharixiinta is casilay.

1- Maxamed Aadan fargeeti

2- Yuusuf Macalin Baadiyoow

3- Saalax Sheekh cismaan

4- Xuseen Kacaan

5- Xasan Amiin

Mid kamid ah musharixiintaasi oo la hadlay wariyaasha ayaa ka warbixiyay sababaha ay uga tanaasuleen in doorashadaasi ay ugu tartamaan.

Hoos ka Dhageeyso Codka;-

https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/musharixiintii-tanaasulay.mp3

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Musharixiintii ugu badnaa ee Koonfur Galbeed oo is casilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this